Farmaajo iyo Uhuru oo khadka taleefoonka ku wada-hadlay.

Published: May 5, 2020

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taleefan kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo uga tacsiyadeeyay labadii qof ee Kenyanka ee ku dhintay diyaaraddii ku burburtay Bardaale.

Qoraal ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu shaaciyay wada hadalka khadka taleefanka ee dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya la soo xiriiray dhiggiisa Kenya, una sheegay inuu ka xun yahay dhacdada shilka aheyd ee diyaarada African Express, kana tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu qadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Kenya, una gudbiyay tacsi dadka Kenya ee ku dhintay shilkii nasiib-darada ahaa ee diyaaraddii ku burburtay Bardaale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Hey’adda Socdaalka Soomaaliya inay si degdeg u baarto wixii sababay  diyaaradda burburtay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku casuumay Hey’adda Saadaasha Hawada Kenya inay baaritaanka qeyb ka noqoto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *