Kiisaska Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo sii kordhaya.

Published: May 5, 2020

Kiisaska Cudurka Dunidda kusii faafaya ee Craona-Virus ayaa Soomaaliya sarre u kacaya maalinba maalinta ka danbaysa, 79 xaaladood oo cusub ayaa maanta keli ah la diiwaan-geliyay sidda lagu sheegay warbixinta wasaarada caafimaadka Soomaaliya.


Gobolka Banaadir waxaa laga helay 38 xaaldood, Maamulka Jubaland waxaa laga helay 22, Halka Koonfur Galbeed la xaqiijiyay in laga helay 11, Puntland laga helay 8 xaaladood.


62 waa Rag halka 17 kalena ay yihiin Dumar, Xanuunka waxaa u dhintay maanta 3 qof, Waxaana ka bogsaday 14 qof. Tiradda Guud ee Cudurka Carona ayaa noqonaysa 835, waxaa bogsaday 75 qof, Halka dhimashadu ay tahay 38.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *