Bandow 24 Saac ah oo Laga Dhaqan Galiyay Islii iyo Xildhibaano Ka hor Yimid

Published: May 6, 2020

Dowladda Kenya ayaa ku soo rogta Xaafada Somalidu u badan tahay ee Islii ee Magaaladda Nairobi bandow maalin iyo habeen ah muddo 15 Maalmoo ah.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo go’aanka banodowga ku dhawaaqay ayaa sheegay in muddo 15 maalmood ah aan la ogolayn in la galo ama laga soo baxo Xaafadda Isliin.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in baaritaan ay samaysay ay xaafada Islii ka diiwaangelisay 29 Kiis oo cudurka Coronavirus maalin gudaheed, arrintaasi oo dhalilsay in dowladu ku dhawaaqdo go’aanka bandowga

Bandowga ayaa dhaqan gashay 7:00 fiidnimo ee caawa.

Dhinaca kale, Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah mudane laga soo doorto Kaamaguuji oo xaafada Islii qayb ka tahay ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid nasiir darro ah, waxaa uu sheegay in go’aankaasi ay wasaaradu qaadatay iyadoon aan lala socodsiin ganacsatada Suuqa.

Wasaarada Caafimaadka ee Kenya waxay maanta diiwaangelisay 47 kiis oo cusub Covid-19 oo 5 kamid ah laga helay xaafada Somalida ee Islii, iyadoo tirada guud aa dadka qaba cudurka ay gaadhay 582.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *