Dalal badan oo caalamka ah oo fududeynaya xanibaada Coronavirus sababay

Published: May 6, 2020

Dalal badan oo caalamka ah ayaa todobaadkan fududeynaya xanibaada ama bandowga la soo rogey kadib markii uu dilaacay cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

Kadib markii cudurkan si weyn u faafey bishii Feberaayo 2020 ayaa dalal badan waxay soo rogeen xanibaad la saarey dadka, waxaa la xirey Goobaha waxbarashada, goobaha laga cunteeyo, dhamaan goobaha loo aado hobbiga iyo ciyaaraha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado, sidoo kale waxaa la xadidey xaddiga dadka isu imaan kara iyada oo dalalku ku kala qaybsanaayeen laakiin ay ugu badnaayeen 10 qof ka badan isu imaankarin, waxaana dadka laga codsadey in ay guryahooda joogaan.

COVID-19 ayaa saameyn weyn ku yeeshey dhaqaalaha adduunka, waxaana musalafey shirkado aad u ladnaa ka hor bishii Febaraayo 2020.

Dowladaha caalamka oo aan wax badan ka qaban xaaladda Coronvirus, isla markaana aysan jirin daawo iyo talaal midna, iyada oo ay marba marka ka danbeysa sii badanayaan dadka uu ku dhaco cudurkan, dhismashaduna kor u socoto, ayey doonayaan in si tartiib ah nolosha caadi loogu soo celiyo, wixii dhimanayaa ha dhinteene.

Dalalka Denmark, Jarmalka, Finland, Beljimka, Maraykanka, Talyaaniga iyo qar kale oo badan ayaa todbaadkan fududeynaya xanibaada, waxaana dib loo furayaa Iskoolada dalalka qaarkood, goobaha cunada, waxaa tirada dadka isu imaan karta la gaarsiiyey dalalka qaarkood 50 qof.

Coronavirus ayaa ku dhacay dad ku dhaw 4 Milyan oo qof oo ku sugan dunidan, waxaana u gallaaftey nolosha dad gaaraya 260 kun oo qof.

Halkan kala soco xaaladda Somaliya

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *