golis

Maqaal: Gumaystaha Cagaaran.

G U M E Y S T A H A C A G A A R A N

Qaadka

Somalia waxaa haysta dhibaatooyin badan. Waxaana ka midda amni xumo, dawlad jilicsan iyo khaat. Dhibaatada khaatku waa tan ugu weyn. Li’na labada ummada jiritaan keeda salka u ah buu khaatku cadow ku yahay oo ah maalka iyo maskaxda dadka.

Khaat-waluhu, somalida wuxuu sanad walba ka qaataa $800 million taqriiban, 100 kun oo tone oo maan-dooriye khaat ahna waa cunsiiyaa uguyaraan. Aniga oo aaminsan in somalidu tahay hal qoys ah oo ku fiday geeska Africa, waxa khaatku dhibta ku hayaa waa isirka somaliga.


Soomalida dibada ku nool waxay sanad walba diraan $1.5 Ilaa 2 billion. Maalka intaa dhan wuxuu ku biiraa hantidii ummadu horey u haysatey. Dhaqaaluhu mako-rayo ee Weli waa fadhiid Sababtu waa lacagta wadanka soo gasha bar khaat-walaha baa qaata iyadoo la arkayo.


Maxaa Weedha iyo Naasa Adag isku beegay. Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, sanad 2002 wuxuu yiri anaga iyo Ethiopia ma doneyno in Somalia dawlad xoogleh ka dhalato, Hadaba maxaa isku beegay ereyga Arap Moi iyo 15 sano oo dawlada Somalia liciif tahay.

Mida-kale labadii dawladood oo Arap Moi sheegay waa kuwa tobanaan ka kun oo tone oo khaat maandooriye Soomaaliya u dira bil walbe.
Dagaal Daroogo (Drug war) sanadku markuu ahaa 1820 English ku wuxuu China geliyey oo ku beeray darogo Opium, isaga oo dhaqaalaha kala dagaalaya, wuxuu kale oo uu ku beerey darogo Heroen iyo Cocain. Sanadkii 1949 dadka China ee darogadu dilootey (drug addicted) waxay dhamayen 70 million oo qof. Nasiib wanaag, madaxweynihii china Mao Zedong mudo sadex sano ah buu China darogadii kaga suuliyey.


Khaatku haatan si toosa oo nadaamsan buu Somalida ugu socdaa. Khaatku dadka cuna iyo kuwa aan cunin labadaba waxyeelo ayuu u gaystaa nafsiyan noloshooda. Kuwa cuna xaga maanka iyo cafimaadka buu ka qaldaa, kuwa aan cunina niyad jab buu Ku-rida, taas oo ah inaan khaatka waxba laga qaban karin lana jojin karin, xattaa ay ka gaabsadaan inayan ka hadlin dhibaatada khaatka.


Boqolaalka million oo dolar oo intaa oo sano somalida laga dhacayey iyo boqolaalka kun oo tone oo darogo-khaat ah oo intaa oo sano lacunayey, dhibaatadii ka dhalanesey oo ay xambaar saneyd, somalidaa qabta oo ay ku maqan tahay. Waana waxa ay la daban-debeyso oo tiihu ugu dhacay iyo jaha-wareerku. qofna reerkiisa uma ogola in lacagta laga dhaco oo la cunsiiyo qashin isaga oo arkaya haduusan tiih qabin.


Dawlada somalia khaat-walaha waxaa kasoo gala tobanaan million oo dollar. Khaat-waluhu marka dadka khaat kiisa ka gado lacagta uga soo xerota 3% buu canshuur ahaan dawlada usiiyaa oo la macna ah, arag shaxda.


Khaat waluhu dawlada inta uu khaat-walaha
Markuu helo siiyo dawlada inta usoo harta


$ 100 3 97
1000 30 970
10000 300 9700
100000 3000 97000
1000000 30000 970000
10000000 300000 9700000
Boqolaalka malyan oo dolar oo khaat-waluhu ka qaato somalida sanad walba wuxuu la aadaa Kenya iyo Ethiopia.

A- Somalida waxaa kaabiga u taagan milaygii ay isaga dhicin lahayd gumeystaha cagaaran ee ka xun toban jeer kay horey isaga xoreeyeen. (Markale kacaan xoreenta Somali; (Somali second freedom fighting).
Waayeel wax-tus waxse haw sheegin. Madaxda maamullada somalida amaba (shantii qaybood ee xoriyada usoo halgamay) waa inay shir ay khaatka ku jojinayan qaatan, li’ana iyagaa masuul ka ah shacabka, iyagaana joojin Kara, iyagaana khat-walaha inuu shacbiga kagado li’na wey canshureen, shey hadii la canshuuro wuxuu noqon badeeco caadi ah.


B – Tobanka maamul ee Somali ee kala ah: mamulka Waqooyi Bari Kenya , Soomaali Galbeed Ethopia ,Jabuuti , Somaliland, Puntland, Galmudug, Hir-shabeele, Banaadir, Koonfur Galbee iyo Midka Jubaland mid walba awood buu u leeyahay inuu khaatka gobolka ka joojiyo, isagoo habka maamul kiisu u dhisan yahay umaraya. Ethiopia iyo Kenya kuma qasbin khatka somalida ee somalidu iyadaa dalbatay oo suuqa Weyn u furtay, iyadaana iska xirikarta.


C – Degmo kasta oo ka tirsan gobol ama state waxay qabtaa awood ay khatka degmada kaga joojinkarto. Fuleygu wuxuu ka baqaa wax dhibaya oo uu ka adagyahay, laakiin waa fuley.


Dhibaatoyinka dalka ka jira tan khaatku waa tan ugu weyn, waana tan ugu sahlan in la xaliyo. Khatka joojintiisu inay sahal tahay waxaa lagugaran, sanadkii 2016 wasiir katirsan D/Somalia wuxuu warqad uqoray D/Kenya oo uu ku yiri waan joojinay khatkii, waana jogsaday. Dhibatoyinka Somalida haysta mid warqad la qorey keliya ku xalismesa majirto tan Khaatka mooyee.

Waxaa Maqaalkaan Qoray oo ay u gaar tahay

Abduhamid Faarax Aadan
USA, W.DC
T5715855375

You May Like

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *