Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Xassan oo booqdey Beledweyne si wax looga qabto Fatahaada

Published: May 6, 2020

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta (Salaasa) gaarey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada Booqashada wefdigan ayaa ahayd sidii loo qiimeyn lahaa ka hortagga in webigu uu mar kale khatar ku noqdo bulshada Beledweyne.

Wefdiga oo ay ka mid ahaayeen khubaro aqoon u leh ka hortaga aafooyinka ayaa warbixino ka dhegaystey masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada, sida ugu wanaagsan oo loo xiri karo haddii webigu karkaarada soo jabsado.

Iyada oo lagu jiro xiligii roobabka si wanaagsana u da’ayaan roobabku ayaa waxaa marba marka ka danbeysa la dareemayaa in biyaha webiga Shabelle ay kor u kacayaan.

Sanadkii hore ayaa webiga Shabelle ku fatahay magaalada Beledweyne waxaana uu khasaaro xoogleh u geystey bulshada halkaas ku dhaqan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *