Wasiirkii Waxbarashada Jubaland oo geeriyooday.

Published: May 6, 2020

Macallin Maxamed Ibraahi Wasiirkii Waxbarashada dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku geeryooday dalka Hindiya sida ay xaqiijiyeen Wasiiro ka tirsan Maamulka Jubaland,

Wasiir Macallin maxamed ayaa mudo ku xanuunsanaa dalkaas, isaggoo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay cusbitaalo ku yaal magaalada New-Delhi, balse ugu danbayn maanta ayuu geeriyooda.

Wasiir Macllin Maxamuud mudo ayuu ka shaqaynayay arimaha waxbarashada, sidoo akle waxa uu qayb ka haa yagleelida maamulka Juabland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *