Gas dad badan ku dhinteen oo ka qubtey wershed Hindiya ku taala

Published: May 7, 2020

Ugu yaraan sagaal qof ayaa dhimatay, in kabadan 300 ayaa loo qaaday isbitaalada qaar kaloo badanna waxaa laga daadgureeyay guryahooda oo kuyaala Visakhapatnam, oo kutaala gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya, kadib markii gaas ka furmay wershed soo saarta alaabaha kiimikada

Habeenimadii khamiista ayaa gaasku wuxuu ku fiday dhul wareeg ah oo illaa saddex kiiloomitir gaara oo ku dhaw wershadda LG Polymers oo soo saarta caaga.

Xitaa xoolaha ayaa gaaskan saameeyey oo bakhtiyey

Sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolkaas, boqolaal qof oo gaaska ku neefsadey ayaa Qaarkood miyir beel ku dhacay, qaarna waxaa ku dhacay dhibaatooyin xagga neefsashada ah ama waxay bilaabeen inay dareemaan xanuun daran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *