Gurmadka La Gaarsiiyay Gobolada Gedo iyo Hiiraan

Published: May 7, 2020

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Dhinaca kale, Gudigga Gurmadka Fatahadaha Baardheere ayaa kun qoys u qeybiyey kaalmo lacageed. Qoysaska ka faa’ideystay kaalmada lacageed ayaa deganaa qaar ka mid ah xaafadaha Baardheere ee ay saamaysay, kuna barakacay fatahaadii uu sameeyey webigga Jubba ayaa qoyskasta wuxuu helayaa lacag dhan $60,lacagtaas oo maanta lagu wareejiyey shirkadda Hormuud Baardheere .

Lacagtani waxay qeyb ka tahay $80 kun oo baaqi ka ahaa deeqdii lacageed ee Dowladda Federaalka soo gaarsiisey Baardheere, barakacayaasha ayaa lacagtani waxay ku gaari doontaa hab EVC.

Gargaarkani ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo ay helaan Qoysaska faraha badan ee ka barakacay guryahooda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *