Maraykanka oo qirtey dadkii rayidka ahaa ee a y duqeynta ku dileen 2019

Published: May 7, 2020

Boqol iyo soddon iyo laba qof oo rayid ah ayaa Maraykanku qirteen in ay si aan qorsheysneyn dileen sanadkii 2019. Tiradan ayaa ah mid aad uga yar tirada ay hay’adaha maxaliyada ah daabaceen kuwaas oo gaarsiiyey boqolaal qof.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ku doodey in ay aaminsan yihiin in 132 qof oo rayid ah ku naf waayeen duqeymahooda, halka 91 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, dalalka Ciraaq, Siiriya, Afqaanistaan iyo Soomaaliya.

Pentagon ayaa sheegaysa in aysan jirin dad rayid ah oo ku nafwaayeen duqeymaha ay ka geysteen Yemen iyo Libya.

Tirada ugu badan ayaa ku geeriyootey dalka Afqaanistaan waxaana Maraykanku sheegayaa in 75 qof oo kamid ah 132 qof ay ku nafwaayeen gudaha dalka Afqaanistaan.

Dalka Soomaaliya ayey qirteen laba qof oo rayid oo keliya. hay’adda Amnesty ayaa ku eedeysey Pentagon in ay hoos u dhigeen tirada dadka rayidka ah ee ay ku dileen Soomaaliya.

Maraykanka ayaa kor u qaadey weerarada ka dhanka ah Daacish iyo al-Shabaab gudaha Soomaaliya, waxaana duqeynta u adeegsadaa diyaaradaha hubeysan ee aan la hago Drones.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *