Shirkada DP World oo Raashin u Qaybisay 9,000 Qoys oo Somaliland Ku Nool

Published: May 7, 2020

Shirkadda DP World  ee maamusha marsadda Berbera ee Somaliland, ayaa 9,000  oo qoys u qaybisay raashin bishan Ramadaan.

Wargayska Gulfnews ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa daabacay in Raashinkaas ayey Shirkadda DP World gaadhsiisay qoysas danyar ah oo ku nool deegaannada bariga iyo galbeedka Somaliland.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in Shirkadda DP World ay raashin ka qaybisay magaalooyinka Laascaanood, Caynaba, Burco, Gabiley, Saylac, Berbera iyo Caasimadda Hargeysa.Raashinka DP World waxa muddo 10 maalmood ah ku  qaybisay Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Somaliland.

Guddoomiyaha DP World ee Dekedda Berbera, Supachai Wattanaveerachai ayaa sheegay inay si ballaadhan ugala shaqeeyeen Somaliland saameynta xannuunka Covid 19, isla markaana ay qalabka Naqaska iyo agabka hawlwadeennada caafimaadku ka xidhaan xannuunkaas ay geeyeen Somaliland. Waxa kaloo uu tilmaamay inay qalabka ay Somaliland ugu deeqeen ay ka mid yihiin agabka lagu baadho xumadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *