Somaliland oo Xoojinaysa Go’aankii hore ee lagu Joojiyey Qaadka

Published: May 7, 2020

Shirka golaha wasiirrada Somaliland oo maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka si looga hortego xanuunka Covid-19 ee caalamka saameeyay

Shirka waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Waxaana lagaga wada hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay qaar ka mid ah degmooyinka Somaliland ku gubeen qaad tiro badan iyo sidoo kale bacaha qaadka lagu rido ee bac-miikada loo yaqaan, oo Somaliland ay hore u mamnuucday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *