USA: Xiisad ka dhalatay dil ay rag cadaan ah u geysteen wiil Madow – VIDEO

Published: May 7, 2020

Waxaa isa soo tareysa xiisada ka dhalatay dilka wiil Madow ah oo ay dileen labo nin oo cadaan ah oo ka dhacday gobalka Georgia ee koonfurta Maraykanka.

Dilkan oo dhacay bishii Feberaayo ee sanadkan ayey dadka intiisa badan ogaadeen kadib markii todobaadkan internetka iyo baraha Bulshada lagu shaaciyey filim kooban oo muujinaya qaabka uu dilkan u dhacay.

Wiilkan Madow oo lagu magacaabo Ahmaud Arbery oo ahaa 25 sano jir ayaan orod-jimicsi ah isagoo ku jira ay rasaas ku fureen labo nin oo cadaan ah Gregory McMichael oo horey askari booliis u ahaan jiray iyo wiilkiisa oo lagu magacaabo Travis.

Raggan cadaanka ah ayaa ku dooday inay u maleeyeen wiilkan inuu yahay Tuug ay baadi goobayeen, waxaase la yaab ah in dilkan oo dhacay labo bil kahor illaa iyo hada inaan la xirin ragga dilkan geystay.

Arrintan ayaa markale dib usoo nooleysay xiisada la xariirta Isir-naceybka ee dalkaasi Maraykanka, waxayna muujineysaa sida uusan xaquuq u helin marxuumka la dilay oo ah nin madow iyo xoriyada gaarka ah oo heystaan ragga cadaanka ah dilkaasi foosha xun geystay oo illaa iyo hada aan wax danbi ah lagu soo oogin.

Xeer illaalinta gobalka Georgia ayaa sheegtay inay wado baaritaan ku aadan dilkan, waxaana sii xoogeysaneysa baaqa shacabka kasoo baxaya oo ay hada ku biireen qaar kamid ah siyaasiyiinta Xisbiga Dimuquraadiga oo codsanaya in lasoo xiro ragga dilkan geystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *