Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in si habsami leh uu u socdo barnaamijka baxnaano.

Published: May 8, 2020

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi warfaa ayaa sheegay in si habsami leh uu u socdo barnaamijka Baxnaano oo loogu talagalay in lagu kaalmeeyo dadka danyara ah.

Wasiirka Warfaa ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed, isla markaana uu taageero ka heysto Bankiga aduunka waxaana bishii September ee sanadkii tagay ee 2019 la soo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya, iyadoo loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.

Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono masjruucaasi, hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

Marshuucaan oo illaa hadda gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed, waxaa loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan dad gaaraya 1. 3 milyan, iyadoo laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland, Koofur-galbeed iyo Galmudug, Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland ay la qorsheynaayo in dhawaan la gaarsiiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *