Muslimiinta Jarmalka oo isu diyaarinaya dib u furitaanka Masaajidda

Published: May 8, 2020

Masaajidyada ku yaal Jarmalka ayaa dib loogu furi doona albaabada si ay ugu cibaadeysantaan dadka Muslimiinta ah, arrintan ayaa imaanaysa ka dib go’aan ka soo baxay dawladda oo lagu fududeynayo xannibaadda Jarmalka lagu soo rogey kadib Fayraska Korona.

Masaajida ku yaal dalka ayaa si tartiib tartiib ah dib loogu furi doona iyadoo la raacayo tilmaamaha ay soo saareen Golaha Isutagga Xiriirka Muslimiinta ee Jarmalka.

Yakup Ayar, madaxa Ururka Masjidka Sehitlik, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dib ula midoobo bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Berlin.

Waxaan martida masjidka u sheegaynaa in ay ka soo geli karaan hal albaab oo keliya. Qofkasta wuxuu soo xiranayaa maaskaro, sidoo kale gacmaha waxaa lagu mayrayaa saabuun. Qofkasta oo Masjidka imaanayana waa la diiwaan gelin ” ayuu Yakup Ayar u sheegay Wakaaladda Anadolu.

Dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano ayaa weli lagula talinayaa in aysan dadka soo dhex gelin ee ay guryahooda ku sugnaadaan,

Muslimiinta ku nool dalal badan oo caalamka ah ayaa sanadka wajahay culeys weyn kadib markii la xirey Masaajidda iyada oo lagu jiro bishii Ramadaan. Waxaa la diidey in ay isu imaan karaan dad ka badan 10 qof. masaajida qaarkood ayaa fursad u heley in Aadaanka salaadda loo adeegsado sameecado laga maqlaayo banaanka, masaajido ku yaala Maraykanka iyo Kanada si dadka guryaha ku sugan loo ogeysiiyo xiligii salaadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *