Tirada dadka ugu dhintey Covid-19 Talyaaniga oo kor u dhaaftay soddon kun oo ruux.

Published: May 8, 2020

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee ka tirsan Ururka Midowga Yurub oo diiwaangeliyay in cudurka Coronavirus ay ugu dhinteen dad gaaraya soddon kun oo ruux sida la xaqiijiyay, Maanta oo keli ah 243 ruux ayaa dhimashadooda, la diiwaangeliya geeriyootay dalka Talyaaniga.

Maalin walba tirada cudurkan laga heli jirey dalka Talyaaniga ayaa hoos ugu soo dhacday 1,327, iyadoo guud ahaan tirada uu cudurkan soo ritey dalka Talyaaniga ay gaarayaan 217,185.

Italy ayaa ah haatan dalka saddexaad ee diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee cudurka Covid-19 ay ugu dhintaan caalamka waxaana ugu sareeya dalka Maraykanka halka dalka UK uu kaalinta labaad ku jiro.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *