WHO: 190 000 oo qof ayaa COVID-19 ugu dhiman kara Afrika sanadka kowaad

Published: May 8, 2020
Matshidiso Moeti, Madaxa WHO ee Qaaradda Afrika

Muddada uu socdo cudurka saf mareenka ee Fayraska Korona sanadka kowaad ilaa waxaa qaarada Afrika ugu dhiman kara 190 000 kun oo qof, sidaas waxaa sheegtey hay’adda caafimaadka dunida ee WHO. Haddii aan dadka la badbaadin oo aysan helin habab ay ku kala fogaan karaan iyo adeega caafimaad ee ay u baahan yihiin, khatartaani waa mid sii jireysa ayey tiri Matshidiso Moeti, madaxa WHO ee Afrika.

WHO ayaa baaritaan ku samaysey sida Afrika ay ula tacaali karto aafada ‘Korona’. Waxay si dhow u eegeen 47 waddan waxayna soo saareen qiyaasid waxa dhici kara haddii fayraska aan la xakamayn karin.

29 ilaa 44 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasey in uu cudurka fayraska Korona ee qaaradda Afrika ku dhacayo sanadka ugu horreeya, kuwaas ayaa la saadaalinayaa in 190,000 oo qof ay u dhiman karaan cudurka COVID-19, marka loo eego qiyaasaha soo baxaya.

Afrika dadka ku nool waxay u badan yihiin dhalinyaro sida WHO sheegtey marka loo barbardhigo dalalka kale ee cudurkan aafeeyey, fiditaanka cudurka ayaa qaarada Afrika ugu socda si tartiib ah, waxaana WHO sheegaysaa in ay dhici karto in cudurka COVID-19 uu Afrika ku negaado sanado badan, si tartiib ahna dad badan ugu laayo.

Covid-19 wuxuu ku noqon karaa dhacdo soo noqnoqata nolosheena sanado badan ilaa ay dowladuhu sameyaan dadaallo firfircoon. Waxaan u baahanahay inaan tijaabinno, la socono, go’doominno oo aan daweynno.

Matshidiso Moeti, madaxa gobolka ee WHO ee Afrika.

Sida qaybaha kale ee adduunka, khatarta ugu weyn ee qaarada Afrika ayaa ah in goobaha daryeelka caafimaadku aysan umuuqan kuwo kufilan dadka. Marka loo eego sahanka WHO, celcelis ahaan, halkii milyan oo qof oo Afrika ku sugan ayaa heli kara 9 gooobood ee daryeelka deg-degga ah IUC. Intaas waxaa sii dheer, in dadku saf u galaan helitaan caafimaad waxaana suuragal ah inaysan heli karin daryeelka waqtigii loo baahnaa. Dadka la tacaali kara cudurkan ayaa waxay markasta halis ugu jiraan cudukan sida WHO xustay.

Wadamada waxaa lagula talinayaa inay ballaariyaan goobaha daryeelka oo ay sii wadaan inay maalgashadaan qaybaha caafimaadka, tallaabooyin ka hortag ah oo la mid ah kuwa aan ku aragno dalal kale oo badan, ayaa lagu yiri warbixinta WHO.

Dalka Soomaaliya oo kamid ah dalalka uu marba marka ka danbeeya ku sii fidiyo ayaa kamid ah dalalka halista ugu jira cudurkan, marka la eego daryeelka caafimaadka, iyo sida loogu diyaar garoobey.

Khalid Yussuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *