69 kiis oo cusub oo COVID-19 ayaa dalka laga diiwaan geliyey.

Published: May 9, 2020

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 39 qof Somaliland 11 qof Puntiland, 8 qof, Koonfur Galbeed 8 qof Hirshabeelle 2 qof iyo Galmudug 1 qof ruux.

48 qof oo kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *