92 Tuulo oo ku baaba’ay Fatahaad ka dhacday Degmada Luuq

Published: May 9, 2020

Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo  Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan.

Guddoomiyaha   oo la hadlayay Warbaahinta dowladda Fedraalka waxaa uu sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.

Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Tuulooyin hoosyimaada Jowhar

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle,waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle.

Fatahaadda ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan.

Yacquub Buule oo ka mid ah Beeralayda ku nool  Hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa sheegay  in 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi  biyaha ay biyuhu dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan.

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Xuddur

Dadka degan xaafada buulow oo ka tirsan magaalada Xuddur ayaa saaka ku waabaristay dadad ka dhahay roobab mahigaan ah oo saacadahii la soo dhafay ka da’ay magaalada xuddur, daadadkaasi oo ka  kala godoomiyay xaafada buulow iyo magaalada inteeda kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaafadaha qaar dadkii deganaa ay isga barakaceen, halka beerahii udhawaa magaladana gabai ahaanba dalagyadii kabaxay daadadka ay baabi’iyeen.

Xubno ka tirsan Maamulka degmada xuddur iyo Hay’ada ACF ayaa guryahooda ku boogday qoysaska daadaka ay saameeyeen si ay uqiimeeyaan inta ay la egtahay saameynta daadadka.

Majiraan wax khasaaro nafeed ah oo ay sababeen daadadka ka dhashay Roobabkii halkaasi ka da’ay balse waxaa jira weli dad guryahooda ay biyo gelin oo ka cabsi qaba in haddii Roobadkale ay da’aan ay ka baracayaan guryahooda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *