Ciidamada PSF oo fashiliyey weerar argagixiso gudaha Boosaaso

Published: May 9, 2020

Ciidamada PSF ayaa Bosaso ku qabtey gaari lagu soo raray waxyaabaha qaraxa dhaliya, iyo bobooyinka gacanta laga tuuro. Wararku waxay sheegayaan in ciidanka PSF ay muddo ku dabo jireen shabakad argagixiso ah oo doonaayey in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Puntland.

War ka soo baxay ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay Intii hawlgalku socday, in ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka Daacish, kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa Daacish ee gobolka Bari, kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.

Wararkuw axay sheegayaan in hal askeri uga dhaawacmey ciidnka PSF markii ahwlgalkan socdey.

Ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigey isla hawlgalkan gaari noocyada Tagaasida ah oo bom lagu xirey lana doonaayey in waxyeelo loogu geysto magaalada Bosoaso.

Tan iyo markii qaraxu ka dhacay magaalada Garoowe ee lagu diley guddoomiyihii gobolka waxaa jirey baaritaan weyn iyo dabagal lagu hayey shabakad argagxiso ah oo isku xiran oo ku kala sugnaa qaar kmaid ah magaalooyinka Puntland.

Habeenka caawa ay ayey ku beegan tahay 17 ramadaan, xiligaas oo koxoaha argagixisadu kor u qaadaan weeraradooda, waxaana la aaminsan yahay in kooxdan qorsheynayeen weerar khasaaro badan dhaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *