Galmudug oo beenisay in Rag Ka Tirsan Al-Shabaab laga Sii daayey saldhigga Dhuusa-mareeb

Published: May 9, 2020

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Galmudug Burhaan Axmed oo ahaa Taliyiha ciidanka Boolis magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka ayaa iska casaley xilkii uu degmada ka hayey kadib markii rag ka tirsan shabakad isku xiran oo al-Shabaab ah oo uu soo qabtey xabsiga laga sii daayey iyada oo la diidey in wax baaritaan ah la mariyo sida uu sheegay

”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga sii daayay laba nin oo yimid oo magalada aan horey u joogin lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafay, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana ninkaas markii la sii daayey loo fakiyey dhanka degmada Cadaado” ayuu yiri Taliye Burhaan.

Burhan Axmed oo horey uga tirsanaan jirey Ahlu-sunnah ayaa ku dhawaaqey in uu xilka uu degmada ka hayey isaga tegey, maadaama saraakiil kale oo ka saraysa ay u gacan dhaafeen shaqadiisi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *