Haweeney Talyaani ah oo afduub loogu heystay gudaha Somaliya oo la sii daayay.

Published: May 9, 2020

Haweenaydan oo u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa ka shaqayn jirtay Arrimaha Sama-falka, Sanadkii 2018 ayaa laga afduubtay dalka Kenya, Mrs Silvia Constanca Romano ayaa maanta dib u heshay xoriyadeeda.

Silvia Constanca Romano ayaa da’deedu ahayd 23 jir, waxaana qafaal ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya, kaddib markii dableydii soo qabatay ay la soo aadeen koonfurta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conti ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in la sii daayay Silvia Constanca Romano, isagoo u mahadceliyay Hey’adda Sirdoonka dalkiisa.

Ma sheegin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka sii deynta, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in howlgalka lagu soo furtay ay ka qeyb qaateen Sirdoonka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneyda laga soo furtay meel Muqdisho u jirta 30KM, waxaana weli kala caddeyn xilliga howlgalka dhacay. Sidoo kale Warbaahinta Talyaaniga ayaa shaacisay in Silvia Constanca Romano ay haatan ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *