Khasaaraha dhaqaale ee magaalada Qardho oo lagu qiyaasey $40 milyan oo Dollar.

Published: May 9, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir saxaafadeed qabtey ayaa si weyn ugu mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb-qaatey gurmadka magaalada Qardho, kadib markii roobab xoog badan ay ka da’een Qardho 27 ilaa 28 bishii hore ee Abril 2020.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogeen ay isu damqadeen isla markaana iska kaashadeen dhibaatadii dhacdey, waxaana gar-gaarka Qardho gaarey isugu jirey Cunno, Hu iyo Gogol, Daawo iyo Lacag caddaan ah.

Cunnada gargaarka ah ee gaartey magaalada Qardho ayaa ahayd mid ku filnaan karta 11 000 oo qoys muddo 30 maalmood ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxa uu sheegay ilaa hadda in la qaybiyey raashin ku filan 9 000 oo qoys, inta dhimana la qayabinayo.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashey daadadkii ku soo rogmadey magaalada Qardho ay geysteen khasaare dhaqaale oo isugu jira guryo dumey iyo ganacsi burburey taas oo ku dhaw $40 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Ilaa hadda khasnadda gurmadka Qardho waxaa ku dhacay $1.6 milyan oo dollarka Maraykanka, taas oo halka Milyan ka yimid Dowladda Federaalka ah, halka $600 000 ay ka kala timid Walaalaha Soomaaliyeed ee dibad iyo gudoba ku sugan, kuwaas oo weli ku jira lacag uruurin.

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in loo gudbey wejiga labaad ee gurmadka ee qiimeynta wixii la qabtey, sidii magaalada dib u dejin loogu sameyn lahaa, ganacsiga loo dhaqaajin lahaa, dadkana guryahooda dib loogu celin lahaa, sidoo kale sidii wax looga qaban lahaa in aan mar danbe kahsaare caynkan oo kale ah u dhicin.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/670087153836223/

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *