Waa sidee xaaladda Wasiirada Puntland ee laga helay COVID-19?

Published: May 9, 2020

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa todobaadkan laga heley fayraska korona ee caalamka faro ba’an ku haya. Labada wasiir ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn ula shaqeynaayey bulshada aadna ugu dhawaa gaar ahaan dhibaatadii ka dhacdey magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wasiiradan xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay, waxay ahaayeen kuwo bulshada u shaqeynaayey, runtii shaqada iyo kala fogaanshaha ayaa la kontrooli waayey, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dadka laga heley fayraska Korona ayaa kor u kacay gudaha Puntland, guud ahaan Soomaaliya waxca uu ku dhaw yahay 1000 qof, waxaana u geeriyoodey 44 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *