Dad Shacab ah oo Gacanta ku Dhigay Nin Isku Dayay inuu Toogto Sarkaal Booliis

Published: May 10, 2020

Dad Shacab ah oo ku nool Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta gacanta ku dhigay nin dhalnyaroah oo looga shaki qabo inuu ka tirsanan yahay kooxda  Al-shaab kaasi oo isku dayay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Falkaan ayaa ka dhacay waaxda Actober ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Ciidamada amaanka ayaana gacanta ku dhigay dhagar-qabihii .

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun oo barta uu ku leeyahay Facebok ku qaray arrintaan ayaa shacabka ku dhiirigaliyay howsha wanaagsan oo ay qabteen Maadaama ay fashiyeen dhagarta uu Maleegayay dhagar-qabaha .

“Waa dhaqan ugub ah in Shacabku soo qabtaan haraadiga kooxda cadowga ee argagixisa Al-shabaab ayaana ka mid ahaa qoraalka bartiisa facebook uu soo dhagay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun”

https://www.facebook.com/cxakiin.dhagajuun/posts/2926305664113008

Dowladu waxay sheegtay in Muddooyinkan ay sii xoogeysanayay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amaanka iyadoo la fishilyay dhowr weerar oo shabaab ku doonayeen inay ka fuliyaan magaaladda Muqdisho

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *