Diyaarad Kismaayo Keentay Maydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland

Published: May 10, 2020

Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa maanta ka soo degtay Diyaard siday Meydka Alle ha u Naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday wadanka Hindiya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal dadweynaha ree Jubbaland oo madax iyo shacab iskugu jira ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga soo dajiyay ku sugayay mudo saacado ah waxaana markii Meydka la keenay diyaarada ka dajiyay Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Diyaarada waday meydka Alle ha u Naxariistee wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa iyo xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah iyo xubno kale kuwaas oo Magaalada Kismaayo u yimid sidii aaska Wasiirka ay uga qaybgali lahayeen.

Meydka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne kala duwan ah.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan gudi gaar ah u magacaabay sidii loo keeni lahaa meydka wasiirka isla markana loogu aasi lahaa Magaalada Kismaayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *