Puntland: Wasiir Xaqiijiyay inuu Covid-19 Ku Dhacay

Published: May 10, 2020

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdullaahi Cabdi ayaa xaqiijiyay inuu ku dhacay Cudurka Covid-19

Qoraal uu soo bandhigay bartiisa facebooga ayuu wasiirku sheegay inuu hadda aad u wanaagsan yahay oo uu ka soo kabtay Qandho iyo xanuun daran oo maalmihii la soo dhaafay uu dareemayay

“Akhyaarta sharafta waan idin salmay. Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maamahii lasoo dhaafay. Aad baa u fiicanahay hadda” ayuu yiri Wasiirku


Wasiirku wuxuu sheegay in gurigiisa isku karantiilay tan iyo markii loo sheegay inuu qabo cudurka Covid-19

“waxaan isku xanibay guriga cidna isma aragano, meel umma baxo. Si anan dadkake u qaadsin, Waxaan Xanibaadda ahaan doonaa muddo 14 beri ah gurigaan joogi doonaa Insha alla” ayuu yiri Wasiirku

https://www.facebook.com/permalink.php?story_fbid=1188876571455291&id=100009988788366

Wasiirku wuxuu soo jeediyay inuu qofkii uu ku dhaco cudurk covid-19 uu gurigiisa joogo

” waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covi19. Dadkaas jiro ha u geeynin Gurigaaga joog. Qofkii callamadaha isku arka, ha is baaro. Qofkii Xanuunka laga helo, gurigiisa hajoogo inta markale laga xaqii jinaayo in cudurka ka baxay” ayuu yiri Wasiirku

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in saddex xubnood oo ka mid ah gollaha xukuumadda Puntland uu ku dhacay xanuunka Covid-19, wasiirka ayaa noqonayaa masuulkii u horreeyay ee shaaciya inuu qabo cudurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *