CXD oo laayay hor-joogayaal ka tirsan Ururka Alshabaab.

Published: May 11, 2020

Ciidamada Dalada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal ku dileen hor-joogayaal ka tirsan Ururka Alshaaab kuwaas oo ay qayb ka yihiin xubno ajnabi ah oo ururkaas ka tirsanaa

Ciidamada ayaa sheegay in hawl-galkaas ka dhacay degaanka Carabow oo qiyaastii 50km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas shir uga socday.

Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB  ayaa sheegtay in ciidanku ay cagta mariyeen goobtii shirku uga socday horjoogayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddex sarkaal oo midkood ajnabi yahay.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa magaca horjoogaha ajnabiga ah ku soo koobay Abu-ayman, oo ka soo jeeda waddanka Maali, balse ma xusin magacyada labada sarkaal ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in ay dib ka shaacin doonaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *