Safiirka Jabuuti “Lacagtii Gurmadka Fatahaada Beledweyne 7 bilood ka hor ayaa bixinay”

Published: May 11, 2020

Amb. Aadan Xasan Aadan (Balelo) Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtii ay u qorsheeyeen Gurmadka Fatahaada Beledweyne ay bixiyeen 7 bilood ka hor, ayna ku shubeen lacagtaas wasaarada gargaarka iyo arimaha musiibooyinka.

Safiirka Balelo oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa caddeeyay in lacagtaas oo aheyd Jeeg ay gacanta u geliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Musiibooyinka ee dowladdu magacawday.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ku deeqday dhowr diyaarad qalab gurmad siday, qalab caafimaad iyo raashinka nafqada, waxaa jirtay Jeeg lacageed uu sii diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa lacag gaareysay $600,000 oo dollar, markii fatahaada Beledweyne dhacday sanadkii 2019, lacagtaas waxay qeyb ka aheyd gurmadka loo fidinayay fatahaada wabiyada” ayuu yiri Safiirka.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in wixii farsamo iyo maamul ay leedahay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, balse waajibaadka ay guteen uu ahaa wixii shacabka Jabuuti ay ku soo gurmadeen inay u dhiibaan dowladda Federaalka.

“Lacagtaas waxaa gacanta ugu ridnay Guddigii Musiibooyinka oo uu hoggaaminayay Wasiirak gargaarka iyo Musiibooyinka Xamza” ayuu yiri Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay shaaciyay inay soo gaartay lacagtii dowladda Jabuuti ee gaareysay $600,000 iyo lacagtii dowladda Federaalka ku deeqday ee gaareysa $500,000.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *