42 Bukaan ka bogsaday COVID-19 oo ka baxay Isbitaalka Martiini.

Published: May 12, 2020

Madaxda Cusbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo ahyd xarunta gaarka ah ee lagula tacaalayo cudurka Covid-19 dadka uu soo ritay, 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen haddana bogsaday ayaa cisbitaalka ka baxay, 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen sida la shaaciyay.

Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, ka dibna waxaa lagu xiray qalab u fududeeya neefsiga.

Dahabo Xasan oo isbitaalka la keenay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay inaan isbitaalka Martiini la geynin, balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID19 ayey ula soo carareen.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka ley keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaaheey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo Xasan.

Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *