Dowladda federaalka oo sheegtey in ay ballaarinayaan baaritaanka COVID-19

Published: May 13, 2020
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya VFawsiya Abiikar Nuur

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa sheegtey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 kiis oo COVID-19 ah, halka dadka ka bogsadey ay gaarayaan afar qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday kiisaska cusub ayaa laga diiwaan geliyey gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.

Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtey  in Fayraska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, waxaana qorsheyneynaa ayey tiri in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19.

Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga ayaa ku deeqay agab badan oo loogu tala galay ka hortagga fayraska Korona kaas oo aan weli si rasmi ah dalka oo dhan loo gaarsiin.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *