Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la gaarsiiyey agab caafimaad

Published: May 13, 2020

Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinka afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo fariimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ayay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *