Shirka Nabadeynta Jubbaland oo Kismaayo Ka Furmay

Published: May 13, 2020

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islan ayaa habeenkii xalay anfurka kadib furey shir loogu magacdaray nabadeynta  Jubbaland.  Shirkan ayaa daba socda kii ka dhacay dalka Kenya ee ay ku heshiiyeen qaar kamid ah musharixiinta diidanaa doorashada Axmed Madoobe ee sanadkii 2019.

Shirkan  oo socon doona saddex maalmood ayaa ku beegmaya xilli  Fayraska Korona si aad ah ugu faafayo dadka dhexdiisa, isla markaana kiisaska Soomaaliya ay ka bateen 1000 kiis.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidan in ay aqoonsato doorashadii Kismaayo ka dhacdey ee lagu doortey Axmed Madoobe, taas oo ay ku tilmaameen mid uu afduubtey Axmed Madoobe, waxaana ay Dowladdu la wareegtey  qaybo kamid ah gobolka Gedo, halka Gobolka Jubada Dhexe weli dhamaantiis uu gacanta ugu jiro ururka al-Shabaab.

Tan iyo markii la asaasey Jubaland 2013 waxaa ka talinaayey Axmed Madoobe. Jubaland ayaa ka kooban saddex gobol Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *