Somaliland: 5 Kiis oo Covid-19 oo La Diiwaan Geliyay

Published: May 13, 2020

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay inay heleen shan kiis oo cusub oo xannuunka Coronavirus ah.

Agaasimuhu waxa uu cadeeyey in shanta kiis ee cusub shantuba ay rag yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin gobolkan Maroodi-jeex, iyadoo da’adoodu ay u dhaxayso 30 jir ilaa 70 jir, taas oo tirada guud ee xannuunka karoona fayras dadka uu soo ritay ee Somalialnd ka dhigaysa 48 kiis, waxayna shantan qof ka soo baxeen labaatan qof oo baadhitaan lagu sameeyey iyadoo tirada guud ee baadhitaanka lagu sameeyey dalka oo dhan ay noqonayso 426 qof.

wuxuuna agaasimuhu sheegay inay sideedii u soconayso baadhitaanadii laga waday goobaha kala duwan ee xadduudaha dalka laga soo galo, iyadoo afar iyo labaatankii saacadood ee uu dambeeyey laga hubiyey xannuunka dad tiradoodu gaadhayso laba kun boqol iyo laba iyo sideetan qof, halka ay xarunta guud ee la socodka xannuunka koofidh-19, ay la soo xidhiidheen dad gaadhaya saddex iyo toban kun laba boqol iyo sagaal iyo labaatan qof, iyadoo ay xaaladda karantiinka ay ku jiraan todobaatan qof oo ay wasaaradda caafimaadku ku hayso goobo loogu talo galay.

Agaasimaha guud Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu intaas ku daray inay tirada xannuunkaas ka bogsatay ay tahay lix qof, halka dadka ay xaaladoodu adag tahayna ay gaadhayaan ilaa shan iyo toban qof, wuxuuna agaasimuhu ka codsaday bulshada inay qaataan fariimaha wacyigelinta wasaaradda caafimaadka ee la xidhiidha xannuunka koofidh-19, isagoo intaas raaciyey inay dadku kala fogaadaan isla markaana ay ku dedaalaan nadaafada guud si looga dheeraado wax kasta oo uu xannuunkaasi ku faafi karo.

Dhinaca kale, Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna guddoomiyaha Gudida heer qaran ee u diyaar garwaga iyo ka hortagga xanuunka Coronavirus ayaa ka gudoomay qadar lacageed oo dhan ($170,000) ganacsadaha reer Jabuuti ee C/raxmaan Boorre.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *