Dowladda Federaalka oo soo bandhigtay xirmooyinka Shidaalka la maalgashanayo

Published: May 13, 2020

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u waramay Warbahainta Dawlada ayaa sheegay in sharciga shidaalka uu yahay sal-dhiga bandhiga xermooyinka shidaalka ku jira Soomaaliya.

Wasiirka Cabdirashiid Mayaa xusay in Wasaaraddu ay soo bandhigtay ilaa todoba xirmo oo shidaalka Soomaaliya oo tartankoodu bilaabanayo bisha Agoosto” Soo saarista Shidaalka waxaa saldhig u ah sharciga Qaranka ee shidaalka hanaankii uu soo maray sharcigaasi oo Madaxweynuhu saxiixay” ayuu yiri Wasiirku

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharcigaas uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, waxa uu tilmaamey in dhismaha shirkad shidaalka iyo Hey’adda Qaran ee shidaalku in ay muhiim u yihiin soo saarista shidaalka.

Tartanka Shirkadaha doonaya iibsiga xermooyinka Shidaalka Soomaaliya ayaa bilaabaya bisha Agoosto ee sanadkan wuxuna socon doona ilaa Maarso 2021 sida ay dhawaan shaacisay Wasaarada Batroolka Soomalaiya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *