Sucuudiga oo shaqaalaha dowladda ka jaray lacagta Gunnada

Published: May 13, 2020

Horraantii bishii Maarso, Sacuudi Carabiya waxay billawday dagaal dhanka  qiimaha saliidda ah oo caalami ah, kadib waxaa caalamka ku dhuftey cudurka COVID-19. Khasanadaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa hoos u dhacdey, waxaana ay bilaabeen in ay sameeyaan lacago keyd ah.

Maalintii Shalay waxaaBoqortooyada Sucuudigu jartey lacagta gunnada gaarka ah ee billaha ah oo u dhiganta 250$ ee la siiyo dhammaan shaqaalaha dowladda  sidoo kale waxaa kor loo qaadey  qiimaha canshuurta iibka ee loo yaqaan VAT bisha Juun 2020. Canshuuraha VAT-ka dalka wuxuu  ahaa  5% waxaana la gaarsiinaya  15 boqolkiiba, taas oo saameyneysa qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Saameynta Korona Fayras ku yeeshay caalamka ayaa ah mid dalkasta xanuujineysa, laakiin tan si gaar ah looga dareemi karo gudaha Saudi Arabia, halkaas oo dad badan oo degani ay ku barteen inay ku noolaadaan daryeelka samafalka oo ay uga mahadcelinayaan saliida dalkaasi hodanka ku ahaa.

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa in kabadan kala bar Saliida caalamka loo dhoofiyo soo saara. Wadamada ku jira OPEC badanaa waxay galaan heshiisyo lagu xadidayo wax soo saarka saliida si kor loogu qaado qiimaha saliida marka baahidu ay timaado. Laakiin markii qiimaha saliida uu hoos u dhacay horaantii 2020 sababo la xiriira fayraska ‘cKrona’, Ruushku waxa uu diidey in uu dhimo soo saaridda saliida, taas oo keentey in Sucuudigu dhulka dhigo qiimaha saliida si waxyeelo u gaarto dhaqaalaha Ruushka looguna khasbo dhimidda wax soo saarka.

Wasiirka Tamarta Ruushka Alexander Novak  ayaa  wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka xarunta OPEC ee Vienna in Ruushku diyaar u yahay inuu kordhiyo wax soo saarka saliida bisha Abriil, taas oo Sucuudiga ka caraysiisey.

Sucuudiga ayaa si lamid ah caalamka waxaa saameeyey dhaqaalahooda Coronavirus, waxaana ay hadda bixinayaan qiimihii ugu saraysey dagaalkii ay galeen horraantii bishii Maarso. Shirkadda ugu weyn dalkaas ee Saliida  ARAMCO ayaa hoos u dhacay dhaqaalaheedu 25%.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *