Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Taliye cusub u magacaabey Booliska Galmudug

Published: May 13, 2020
Sareeye guuto Bishaar Abshir Geedi

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Federaaliga ah Gen. Cabdi Xassan Maxamed (Xijaar) ayaa magacaabey Taliyaha ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana uu xilkii ka qaadey taliyihii hore.

Taliye Xijaaar ayaa u magacaabay Booliska Galmudug Sareeye guuto Bishaar Abshir Geedi Taliyaha cusub ee Galmudug, waxaana xilkii laga qaadey Col. Cabdikariim Macalim Xuseen, waxaana loo beddelay laanta socdaalka  isaga oo noqonaya taliyaha cusub ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.

Taliyaha cusub ayaa horeyn u ahaan jirey hoggaanka denbi baarista ee CID.

Isla go’aanka ka soo baxay taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda ayaa lagu sheegay in Sareeye guuto Cali Xirsi Barre loo magacaabey hoggaanka caafimaadka ciidanka Booliska ee Galmudug.

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa si toos ah u hoostaga Federaalka Soomaaliya, halka qaar kamid ah Dowlad goboleedyada kale ay magacaabaan hoggaanka booliska iyo kan milterigaba.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *