Bosaso: Hawlgalo lagu soo-qabtay Qaraxyo la diyaariyey

Published: May 14, 2020

Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada PSF Arbacadii ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso.

Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF ayaa sheegay in ay hawlgalkan kusoo qabteen 3 maxbuus oo ah kooxda qaraxyadaas maleegayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *