Ciidamada Dowlada oo hawlgalo ka sameeyey Sh/Hoose

Published: May 14, 2020

Howlgal ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen dhulka u dhaxeeya Degmada Janaale iyo Qoryooleey ee gobolka Shabeelada-hoose ayaa la sheegay in lagu dilay lix maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab oo uu ku jiro horjooge Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Qoryooley.

Warbaahinta Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in Hawlgaladan ay ka dhaceen deegaanada Kabtan Laas iyo tuulada Buulo-Shiikh.

Horjoogaha ciidamadda dowlada howlgalka ay ku dileen ayaa lagu magacaabaa CabdiMuxsin Shiikh Xuseen ( Abuu bakar) sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *