Dawlada Soomaaliya oo la soo gaarsiiyey diyaarado buufinaya Ayaxa.

Published: May 14, 2020

Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu weheliyo wasiirka duulista hawdda iyo Gaadiidka DFS ayaa maanta oo Khamiis ah  la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada laguna dagaalayo

Labadaas diyaaradood, ayaa ah kuwa lagula dagaalamayo Ayax ku habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo  muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa, Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha  FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Nimankii hadday diyaarado gadasho bilaabeen xaalku waa la soo gabagabeeyey xornimaddii waddanka. Dawlad dhab ah ayaa waddanka si rasmiya uga tisqaaday.