EU-da oo doonaysa in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo asalka Korona Fayras

Published: May 15, 2020

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa Shiinaha ugu baaqay inay gacan weyn ka gaystaan dagaalka ka dhanka ah cudurka faafa ee Korona fayras wuxuuna yiri waa in la sameeyaa baaritaan saynis ah oo madax-bannaan oo ku saabsan asalka aafadan.

“…Waxaa loo baahan yahay baaritaan madax-bannaan oo cilmi-baaris ah oo ku saleysan halka uu cudurkan ka yimid,” ayuu ku qoray Frankfurter Allgemeine Zeitung.

Fayraska dunida aafeeyey ayaa ka soo shaac baxay magaalada Wuhan, ee dalka Shiinaha, bishii Diseembar, waddammada qaarkood, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada Yurub ayaa dhalleeceeyay sida dalka Shiinuhu u maareeyey cudurkan iyo inaanu dunidaba uga digin khatartana.

Borrell wuxuu kaloo yiri Shiinuhu waa inay qaadataan mas’uuliyadooda wax ka qabashada aafada, baarista tallaalka iyo kor u qaadida dhaqaalaha adduunka, oo ay kujirto doorkeeda dadaalka deynta looga cafinayo dalalka soo koroya ee dhaqaalahoodu hoos u dhacay.

Dowaldda Maraykanka ayaa gadaal ka riixeysa in Shiinaha dhabarka loo saaro in uu masuul ka yahay Coronavirus, inkasta oo ay wadamada Midiwga yurub weli ku raacin qirshaha ah in laguba sameeyey Shaybaarka cudurada faafa ee wuhun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *