Daawo Madaxweyne Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aadan maalinta dhalinyarada

Published: May 15, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeediyey khudbad ku aadan munaasabadda maalinta dhalinyarada ee 15 May ee sanad guuradii 77 lagu xuso asaaskii Nadigii dhalinyarada ee gumeysiga ka soo horjeestey una kacay sidii loo heli lahaa Soomaaliya ka xor ah Gumeystayaashii reer Yurub.

Madaxweynaha oo ay gadaashiisa ka muuqdeen markii uu khudbadda jeedinaayey sawirada asaasayaashii ururkii SYL ayaa baaq u direy dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu is weydiiyey waxa laga baran karo kacdoonkii dhalinyarada ee SYL.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa munaasabadan u adeegsadey in uu faahfaahiyo wax qabadka dowladdiisa, waxa ay doonayaan in ay dalka ka hirgeliyaan oo ah doorasho dimoqraadi ah.

Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweyne Farmaajo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *