Qurba-joog Soomaliyeed oo ku xanib-nayd Muqdisho oo dib dalalkoodii ugu laabtay.

Published: May 15, 2020

Diyaarada Ethopian Airways ayaa shalay galab magaalada Muqdisho ka daabushay in ku dhaw 150 qof oo Soomaalia ah kuwaas oo haysta dhalashooyinka Dalalka Qaarada Europe, Canada, Maraykanka iyo Australia kuna xanibnaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqaale ka shaqeeya xafiisyadda Dawlada sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen, dadkaan ayaa dib ugu laabanaya wadamadooda iyagoo in badan oo ka mid ah ay ka cabsi qabeen xanuunka Covid-19.

Dawlada Soomaaliya ayaa Diyaaradaan-siisay ogolaansho gaar ah maadama uu dalka saaran-yahay xanibaad xagga duulimaadka ah kaas oo looga dan-lahaa in hoos loo dhiggo faafitaan Cudurka Caronavirus.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *