Puntland: Guddoomiye iyo Garsoorayaal Loo magacaabay Maxkamada Ciidamada

Published: May 16, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay 5 Garsoore oo kale oo laga shaqaynaya Maxkamada Ciidamada iyo dambiyada culus ee Puntland.

Garsoorayaasha ayaa kala aha:

1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *