Puntland oo Shaaciysa in 11 Ruux Laga Helay Covid-19

Published: May 16, 2020

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in 11 ruux laga helay cudurka covid-19. 11 Ruux ayaa isugu jira 7 rag iyo 4 Dumar kuwaaso ka mid ahaa 24 Ruux oo 15 May laga baaray cudurka Coronavirus

Wasaaradu waxay sheegtay in 11 qof ee laga helay cudurka ay 7 qof joogaan gobolka Nugaal, halka 4 qof ee kalena ay joogaan gobolka Karkaar.

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 136 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaa soo kabtay 3 Ruux, sida lagu sheegay warbixinta maalin laha ah ee Wasaaradda Caafimaadak Puntland.

HORSEEDMEDIA

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *