Dawladda Qadar oo gargaar caafimaad geysay Muqdisho.

Published: May 17, 2020

Dawlada Dalka Qadar ayaa gudaha Soomaaliya keentay shixnad adeeg caafimaad ah oo ay kaga qayb-qaadanayso dadaalada ay soomaaliya ugu jirto ka hortagga Cudurka Covid-19, Safiirka Dalka Qadar ayaa gargaarkaan ku wareejiyay wasiirada caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad-celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *