Dowladda Federaalka Oo Cambaaraysay Qarixii lagu Dilay Guddoomiyihii Mudug

Published: May 17, 2020

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay qarixii ismaadinta ahaa ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Alle ha naxariistee Axmed Muuse Nuur

Wasiirka Warfaafinta XFS Mohamed Hayir Maareeye oo ku hadlayay magaca DFS ayaa cambaareeyay qaraxaas Argagixisanimo ee lagu dilay dadka shacabka ahaa & guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur.

Qarax naftiis halige fuliyay oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday AUN guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland iyo dad shacab ah oo cadawgu beegsaday iyagoo aan waxba galabsan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *