Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland oo Qarax lagu diley

Published: May 17, 2020

Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa maanta oo Axad ah qarax lagula eegtey magalaada Gaalkacyo. Guddoomiyaha ayaa isla goobta ku nafwaayey, waxaa sidoo kale goobta ku geeriyoodey qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah oo boota ku dhawaa.

Qaraxa ayaa lagu soo xirey gaariga Nooha ah, waxaana lagu dhuftey gaarigiisa xiligaas oo uu ku jirey gaariga, kana soo abxay xarunta gobolka.

Guddoomiyihii gobolka Nugaal ayaa isagana qarax lagu diley bil ka hor, waxaana uu noqonayaa guddoomiyihii labaad ee qarax lagu dilo isla gudaha Puntland.

Axmed Muuse Nuur, waxaa xilka u magacaabey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni sanadkii 2019, mar ayuu soo noqdey Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug xiligii Madaxweyne Faroole.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *