Somaliland: Dahabshiil oo Mishiinada Neefsiga iyo Lacag Ku Wareejisay Guddiga Covid-19

Published: May 17, 2020

shirkada Dahabshiil ayaa maanta ku wareejisay guddiga ka hortega iyo waceyigelinta u qaabilsan Somaliland deeq isugu jira qalab iyo lacag Cadaan ah.

Deeqdan oo isugu jirta Qalab qiimihiisu dhan yahay Lix boqol kun oo dollar iyo lacag Cadaan ah oo Labo boqol ookun dollar oo loogu talaglay in raashin lagu gaar siiyo dadka uu saameeyay cudurka Covid-19 ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ah Maareeye Ku-xigeenka Dahabshil Group oo deeqda ku wareejiyay guddiga ayaa sheegay in qalabka ay wareejiyeen ay isugu jiraan qalabka lagu baaro cudurka, mishiinada dadka bukaanka ka caawiya neefsiga iyo agab kale oo caafimaad oo muhiim u ah la dagaalanka iyo yaraynta cudurka covid-19 ee Somaliland.

Wuxuu kaloo sheegay in guddiga ay ku wareejiyeen Lacag cadaan ah oo loogu talagalay in raashin loogu iibiyo dad gaaraya 4000 kun oo qoys oo reer Somaliland ah.

Guddiga covid-19 ee Somaliland ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqda ay shirkadda Dahabshil.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *