Tiradda dadka laga helay Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay.

Published: May 17, 2020

Fo wziya Abiikar NuurWasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday.

Fowziya ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland ay yihiin 25 xaaladood, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *